Xildhibaanad Marwo oo ka hadashay dhabar-jebintii ay ku sameysay dowlada Federaalka

Published: October 28, 2023

Xildhibaan Marwo Cabdi Bashiir oo looga guuleystay xilka madaxweynaha Baarlamaanka Adduunka oo ay u tartameysay ayaa sharaxaad ka bixisay dhabarjebin ay sheegtay inay kala kulantay guddoomiyaha golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe oo diray warqad uu ku sheegayo in Soomaaliya ay ka tanaasushay tartankaas.

Warqada kasoo baxday Xafiiska Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa la rumeysan yahay inay ka danbeysay Villa Soomaaliya iyo Xukuumada Federaalka oo doorbiday in xilkaas looga tanaasulo dalka Tanzania oo uu murashaxoodii ku guuleystay xilkaasi.

Xildhibaan Marwo Bashiir oo warbaahinta la hadashay ayaa ka sheekeysay sidii ay wax u dhaceen, waxay sheegtay in doorashada oo ay ka dhiman tahay 48 saac loo sheegay in Baarlamaanka Soomaaliya uu soo diray warqad ay tartanka uga harayaan, taas oo la yaab iyo dhabarjebin culus ku noqotay.

Waxay sheegtay inay go’aansatay in tartankaas aysan ka harin, maadaama ay heysatay balan-qaad weyn iyo rajo doorasho oo aad u sareysa, isla markaana laga ogolaaday inay tartankeeda sii wadato.

Warqadii uu diray guddoomiye Aadan Madoobe ayaa gaartay xildhibaanadii codeyn lahaa, taasi waxay sababtay in wadamo badan ay Xildhibaan Marwo u cadeeyaan in markii hore ay codkooda sii rabeen, laakiin hadda ay ka cudur daaranayaan, maadaama dowladda Soomaaliya oo loo codeyn lahaa aysan diyaar u aheyn inay kurigaan qabato.

“Gabdhaha tartamaya waxaa la siiyey xafiisyo, waxaa ugu mashquul badnaa keyga, dadkii codeyn lahaa waxay ii balanqaadeen inay i doora doonaan, rajadeydu waxay aheyd 100%, laakiin waxaa soo afjartay warqadii Aadan Madoobe, waana lagu xisaabtami doonaa taas,” ayey tiri Xildhibaan Marwo Bashiir.

Waxay qabtay rajada ugu sareysay inta aysan soo bixin warqadaas, laakiin waxay noqotay qofkii ugu codadka yaraa afarta haweenka ah ee tartanka gashay, waxayna heshay 11 cod kaliya.

Waxay sheegtay in markii ay aragtay warqada ay xiriir la samaysay Gudoomiyaha Golaha Shacabka Aadan Madoobe, balse uusan u sheegin wax sabab ah, isla markaana ay iska sii wadatay howlaheeda ololaha doorashada oo ugu dambeyn maanta looga guuleystay.

“Waxaa la igu yiri Marwo waxaad ku tartameysaa magaca baarlamaanka Soomaaliya, waxaana ka soo baxday baarlamaanka aad ka tirsaneed in uusan kula shaqeyneyn oo korsigaas aysan diyaar u aheyn, marka cod kuma siin karno, sababtoo ah dooraashadaan muhiimadeedu waa in baarlamaanadu isla shaqeeyaan,” ayey hadalkeeda ku sii dartay Marwo Bashiir.

Xildhibaanada ayaa sheegtay “Codadkii aan ku tashanayey ayaa u jaheystay dad kale oo taageero buuxda ka heysta dowladahooda, saakay markii aan goobta codeynta tegay, wadan kasta xubnihii ka socday waa iga cudur-daarteen, waxaa la igu yiri anaga Soomaaya inan codka siino ayaan rabnay, laakiin Soomaaliya ayadaba rabin inay cod qaadato, marka dad kale oo u baahan ayaan codadkeena sii doonaa ee Marwo naga raali ahaaw.”