Xildhibaanada Waqoyi Bari Kenya oo beeniyay in la xirey.

Published: March 2, 2020

Xildhibaanada Kenya ee laga soo doorto Gobolka Waqooyi Bari ayaa beeniyay in lagu xiray garoonka diyaaradaha Wilson ee Magaalada Nairobi, Xildhibaanadan oo 11 gaaraya lagana soo doorto Mandhera,Wajeer iyo Garissa oo shir jaraa’id ku qabtay Nairobi ayaa sheegay booqashadooda Muqdisho ay la xiriirtay sidii dowlada Soomaliya ay ugala hadli lahaayeen ammaanka maadaama dhib badan uu kajiro gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Xildhibaanada ayaa sheegay inuu ka warqabay safarkooda Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayna la kulmeen dhamaadkii bishii hore,uuna ka codsaday inay wax walba sameeyaan sidii nabad loogu heli lahaa.

“Waxaad ka warqabtaan in illaa saddex kun oo macalimiin ah ay ka tageen gobolka Waqoyi Bari iskuuladana ay xiran yihiin marka sidii arrimahas loo xalin lahaa oo ammaanka loo sugi lahaa ayaan u tagnay Muqdisho.”ayuu yiri mid ka mid ah xildhibaanada oo goobta ka hadlayay.

Xildhibaanka aya sidoo akle sheegay in ay Muqdisho kula kulmeen Madaxweynaha Soomaaliya Mxaamed Cabdilaahi Farmaajo “Waxaan la kulanay Madaxweyne Farmajo waxana aan ka wadahadalnay sidii la isaga kaashan lahaa ammaanka Soomaaliya iyo Kenya gaar ahaan gobolka Waqooyi Bari Kenya.”ayuu yiri mid kamid ah xildhibaanada.

Xildhibaanadan ayaa ku celceliyay in warka sheegayo in Nairobi lagu xirey uu yahay been abuur ayna xaq u leeyihiin inay meel walba inay tagaan. Xildhibaanadan ayaa ugu dambeyntii sheegay inay booqasho ku tegi doonaan gobolka Waqoyi Bari kadibna ay la kulmi doonaan Madaxweynaha Kenya Uhuru si ay talo uga siiyaan sidii ammaanka gobolka loo sugi lahaa.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *