Xildhibaanadii Ceelwaaq oo kalfadhigii maanta oo Sabti ah loo diidey!

Published: April 23, 2022

Waxaa maanta Jubaland sheegtey in ay soo gebagebeysey 16 kursi ee ku qoondeysnaa Garbahaarey taas oo ay ku qabteen Ceelwaaq oo dhacda xuduudka Kenya.

Cabdullaahi Abukar Xaaji  (Cabdullaahi Carab)
Wasiirka Waxbarashada Cabdullaahi Abukar Xaaji (Cabdullaahi Carab)

Maalintii jimacada ee shalay ayaa la qabtey 11 kursi, halka maanta la qabtey 5 kursi. Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Cabdullaahi Abukar Xaaji  (Cabdullaahi Carab) isla markaana ah saaxiib aad ugu dhaw raysalwasare Maxamed Xuseen Rooble, ayaa isla shalay qaatey shahaadadii FEIT, taas oo la sugi jirey muddo saddex maalmood ah, iyada oo cabashooyinka loogu tala galay mudadaas.

Cabdullaahi Carab iyo kuwii shalay lala doortey ayaa maanta isku dayey in ay ka qaybgalaan kalfadhiga socdey ee hadal-jeedinta, Wararka HCN heshey ayaa sheegaya in loo diidey in ay kalfadhiga ka soo qaybgalaan, kadib markii Xoghaynta Baarlamaanku uu diidey in uu aqoonsiga siiyo, sidoo kale shir guddoonka kumeel-gaarka ah ayaa ka warwareegaya in ay la shaqeeyaan Xildhibaanada 16 ah ee ceelwaaq ka yimid.

magaalada Garbahaarey oo ahayd halka saxda ah in lagu qabto waxaa maanta ka socda diiiwaangelinta muhsrixiinta, tan oo ka dhigeysa doorashada mid is barbaryaac ah.

Madaxweyne Farmaajo ayaa horey baaq uga soo saarey doorashooyinka is-barbarsocda ee Ceelwaaq iyo Garbaahrey ay sharci darro yihiin, sidaas darteed aan la oggolaan in cidii sidaa ku soo baxda baarlamaanka aysan soo fariisan karin.

Guddiga Xalinta Khilaafaadka ayaa sidaas oo kale sheegay in doorashadaasi ay sharci darro tahay oo baal marsan tahay dhamaan heshiisyadii doorashada lagu qabanaayey.

Guddiga FEIT ayaa laba garab u kala jabey iyada oo kooxna Ceelwaaq joogto halka kooxda kale ay ku sugan tahay Garbahaarey.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *