Xildhibaano cusub oo lagu doortay Kismaayo

Published: February 22, 2022

Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG u ah dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa waxaa si habsami leh uga socota doorashada Shan kursi oo ka mid ah Golaha Shacabka , oo deegaan doorashadoodu tahay Jubbaland.

Ilaa iyo iminka waxaa la doortay 3 mudane oo Ka mid noqonayo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo kala ah.

Cabdirashiid Maxamed Xidig ayaa ku guuleystay kursiga HOP#072 ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, isagoo helay 75 cod, halka Cabdisamed Maxamed Cabdullaahi oo la tartamayey uu helay 18 cod, waxaana xumaaday 2 cod sida ay shaaciyeen Guddiga.

Mowliid Cabdi Maxamuud ayaa hab gacan taag ah ugu guuleystay kursiga HOP#13O ee Golaha Shacabka, kadib markii ay tanaasushay Musharax Haboon Axmed Tifow oo la tartameysay, waxaana uu sidaas ku noqonayaa musharixii 2aad ee ku soo baxa doorashada ka socoto Kismaayo.

Maxamuud Muxumed Cumar ayaa ku guuleystay kursiga HOP#079 ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kadib markii uu helay 74 cod.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *