Xirfadlayaasha Caafimaadka Puntland oo la faray in ay isdiiwaan-geliyaan

Published: September 11, 2021

Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa fartay Xirfadlayaasha iyo dhakhaatiirta ka howlgala Xarumaha Caafimaadka ee ku yaala Puntland in ay qaataan Ruqsadda aqoonsiga shaqo ayna iska diiwaangeliyaan Guddiga Xirfadlayaasha Caafimaadka Dowladda.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda ayaa looga dalbaday Hay’adaha dowladda in ay Wasaaradda kal shaqeeyaan sidii loo fuldudeyn lahaa Xirfaadlayaasha caafimaadka in ay isdiiwaangeliyaan oo ay qaataan ruqsadda shaqo.

Si loo ilaasho bedqabka bulshada waxaan ka codsanaynaa Hay’adaha dowliga ee aanu wadashaqeynta leenahay in ay doorkooda ka qaataan sidii loo heli lahaa adeeg caafimaad oo tayo leh iyadoo loo marayo in la diiwaangeliyo,ruqsad caafimaadna la siiyo dhamaan adeeg bixiyayaasha caafimaadka.

ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Wasaaradda

Xarumaha bixiya Adeegyada Caafimaadka sida Cisbitaalada iyo adeeg bixiyaasha kale ee ku yaala gudaha Puntland ayaan haysan Ruqsad caafimaad ee saamaxaysa qiimeynya iyo la socoshada adeegyada caafimaad ee ay siiyaan bulshada.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *