Xukuumadda Raysalwasaare Xamse oo Si Ba’an Codka Kalsoonida u Raadineysa.

Published: August 6, 2022
Liiska Golaha Wasiirada cusub

Waxaa ka soo wareegay 6 Maalmood marki Raysalwasare Xamse Cabdi Barre uu ku dhawaaqey golihiisa wasiirada oo gaaraya tiro ku dhaw 80, kuwaas oo uu kamid yahay Mukhtaar Cali Roobow oo xabsi bilaa maxkamad ah ku jirey afartii sano ee u danbeysey.

Golahawasiirada ee magacaaban ayaa u baahan kalsoonida Golaha Shacabka. Golaha wasiiradan ayaa wada olole ka duwan kuwii hore ama sanidihii la soo dhaafey ee bilowga xukuumaddaha.

Wasiir kasta ayaa dib ugu noqdey beeshiisi hoose, oo uu kalsooni ka raaadiyey, markii lagu guulesytey ayey kor u baxeen oo beesha guud kalsooni loo doontey.

Ma dhici jirin sidaan oo kale, haddii ay dhacdona waxay ahayd mid hoose oo aan saxaafadda loo soo bandhigi jirin sida hadda looga dhigaayo riwayad.

Waxaa la is weydiinayaa cabsida gashey Raysalwasaaraha iyo xukuumadiisa magacaaban inta ay le’egtahay. Waxaa jira in ay caddahay in badan oo kamid ah Dowald goboleedyada iyo Dowladda Federaalku in aysan durba isla jaanqaadin oo la isu jaakiraayo.

Xildhibaanada Koonfur Galbeed oo mid kamid ah aan golaha wasiirada lagu darin ee shanta wasiirba laga keenay banaanka ayaa ugu daran kuwa diidan ansixinta xukuumaddan.

Xukuumadda keliya ee aan Baarlamaan la horgeyn kadib markii la magacaabey ee dib loola noqdey waxay ahayd sanadkii 2015 ee Raysalwasaare Sharmaarke, taas oo in badan oo kamid ah la soo bedalay.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *