Xulka Soomaaliya oo u soo gudbay final-ka koobka CECAFA kadib markii ay badiyeen dhiggooda Uganda

Published: October 12, 2022

Xulka qaranka Soomaaliya ee ay da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa maanta guul ka gaaray ciyaar ay isaga hor imaadeen xulka dhiggooda ah ee dalka Uganda.

90-kii daqiiqo ee caadiga ahaa ee coyaarta labada koox ayaa ku soo dhammaatay barbardhac 1-1 ah, iyadoo laysla aaday tartan gool ku laad ah oo ugu dambeyn ay 7-8 guushu ku raacday xulka Soomaaliya.

Xulalka Tanzania iyo Suudaanta Koonfureed ayaa galabta ballansanaa oo kii soo guuleysta ay fiinaalka ku sugeyso Soomaaliya.

Labadaas xul kii ka soo badiya iyo Xulka Soomaaliya ayaa midkood hanan doona koobka CECAFA ee bariga iyo bartamaha Afrika.

Horseed Media