YEMEN: Xuthiyiinta oo gantaalo ku duqeeyey gobalka Marib

Published: November 1, 2021

Gantaallo nooca Ballistic-ga ah oo ay Xuutiyiinta Yemen kusoo tuureen gobolka Marib ayaa sababay dhimashada iyo dhaawaca 29 qof oo rayid ah oo ay ku jiraan haween & carruur, sida uu sheegay wasiirka warfaafinta ee Yemen.

Mucamar al-Iryani ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka maanta oo Isniin ah ku sheegay in labada gantaal ee loo adeegsaday weerarka ay ku dhaceen masaajid iyo dugsi Quraan.

Dagaalada u dhaxeeya ciidamada dowladda Yemen iyo Xuutiyiinta ayaa sii xoogeystay bilihii lasoo dhaafay.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ilaa 10,000 oo qof ay ku barakaceen bishii Sebtembar dagaal ka dhacay Marib, oo ah goobtii ugu dambeysay ee waqooyiga oo ay ku sugan tahay dowladda caalamku aqoonsan yahay.

Bishii lasoo dhaafay ayey magaalada Bosaaso ee ismaamulka Puntland ee Soomaaliya soogaareen boqolaal qaxooti reer Yemen ah iyo muwaadiniin Soomaali ah oo kasoo barokacay dagaalada ka socda wadanka Yemen.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *