EU: Muslimiinta Yurub oo walaac ka muujiyey Go`aankii Maxkamada ee Xijaabka

Published: March 15, 2017

Muslimiinta ku nool dalalka Midowga Yurub ayaa walaac ka muujiyey go`aankii todobaadkan kasoo baxay Maxkamada Cadaalada ee Yurub oo sheegtay in shirkadaha ay shaqaalahooda u diidi karaan astaamaha diinta iyo siyaasada.

Maxkamada oo muddo dheer dhageysaneysay dacwada ku aadan haween muslimiin ah oo shirkadaha u shaqeeyaan u diiday xirashada xijaabka ayaa go`aankeeda ku sheegtay:

“…Shirkadaha xaq bay u leeyihiin inay shaqaalahooda ku xiri karaan in aysan qaadan Astaamaha Diimaha, Siyaasada iwm, balse maaha in Diin gaar ah la bartimaamsado sida Diinta Islaamka, waan in si siman dhamaan diimaha loogu xuso….Hadii shirkada aysan markii hore shuruudaasi aysan ku xusin heshiiska shaqaaleysiinta shirkadaasi xaquuq uma yeelaneyso in shaqaalaheeda shaqada ka cayriso arrimo la xariira astaamaha diinta….” ayaa lagu yiri go`aanka Maxkamada.

Dacwadan ayaa ah mid ay keeneen haweenay ku nool dalka Belguim oo u shaqeyn jirtay shirkada G4S ee illaalada oo shaqada looga eryey inay diiday inay xijaabka iska furto inta ay shaqada ku jirto. Haweenayda labaad ayaa iyaduna ku nool dalka France.

Dhinaca kale Maxkamada ayaa sharci daro ku tilmaamtay in shirkadaha ay shaqada ka eryaan haweenka xijaabka qabay maadaama ay shirkadahaasi ku doodeen in haweenka shaqada ka joojiyeen kadib cabasho uga timid macaamiishooda.

Muslimiin badan ayaa u arka go`aankan mid si gaar ah taabanaya Diinta Islaamka gaar ahaan Haweenka xijaabka xiran ee shaqeeya.

Qaar kamid ah dalalka Midowga Yurub ayaa horey u mamnuucay Niqaabka ama Indho-shareerka in haweenka xiran karaan marka ay joogaan xarumaha dowlada iyo goobaha shacabka isugu yimaado. Go`aanadan ayaa la sheegaa inay salka ku hayaan Islaam-naceybka kusoo kordhaya muddooyinkii danbe wadamada Yurub.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *