SYRIA: Ciidamada Dowlada Bashar oo xasuuq ka wada Bariga Quta

Published: February 21, 2018

Diyaaradaha dagaalka ee dowlada Bashar Al Assad oo sadexdii maalmood ee lasoo dhaafay duqeynta ku wada deegaanka bariga Quta ee duleedka caasimada Dimishiq ayaa la sheegay inay dileen in ka badan 250 qof, duqeyntan oo lagu sheegay xasuuq.

Deegaanka Bariga Quta (Eastern Ghouta) oo ah deegaan ay difaac uga jiraan xoogaga mucaaridka hubeysan ee lagu hareeraysan yahay ayaa sanadihii lasoo dhaafay iska caabiyey duulaanka ciidamada dowlada Siiriya, balse xukuumada Bashaar Al Assad ayaa hada awoodeedii ciidan isugu geysay deegaankaasi si ay gebi ahaanba uga saarto xoogaga kasoo horjeeda.

Ciidamada Bashar Al Assad oo ku guuleystay dagaalkii ka socday dhinaca bariga dalkaasi ee looga adkaaday Daacish, ayaa hada diirada saaraya deegaanka Quta oo bariga uga beegan caasimada Dimishiq.

Duqeyntii Salaasadii shalay oo kaliya ayaa la sheegay inay ku dhinteen in ka badan 100 qof oo shacab ah oo ay ku jiraan ugu yaraan 19 caruur ah. Waxaa gebi ahaan la burburay lix isbitaal oo ku yaal deegaankaasi go`adoonka ah.

Hay`adaha caalamiga ah sida UNICEF oo baaq kasoo saaray xasuuqa ka socda deegaankaasi ayaa sheegtay in aan hadal lagu soo koobi karin xasuuqa lagu hayo shacabka iyo caruurta deegaankaasi ku dhaqan.

Ciidamada Bashar Al Assad ayaa duqeyntan ka dhiganaya horudhac iyagoo isu diyaarinaya inay weerar dhinaca dhulka ah deegaankaasi ku galaan.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *