Madaxwaynaha Puntland oo u safray Kismaayo

Published: October 10, 2019
Madaxwayne Deni oo ku sugan madaarka Gen. Maxamed Abshir

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Maxamed iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa goordhow u safray magaalada Kismaayo, halkaasi oo uu kaga qeyb-galayo caleema-saarka Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam.

Wafdiga madaxwaynaha oo ka kooban wasiiro iyo xildhibaanno waxaa garoonka diyaaradaha Garoowe ku sii saagootiyay xubno ka tirsan golayaasha dowladda.

Madaxwayne Deni ayaa shalay ka baaqday socdaal uu galabnimadii ku tagi lahaa magaalada Kismaayo, balse waxaa uu u baaqday sababo aan la shaacin.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *