Gudoomiye Cabdi Xaashi “ Senator-kii maqnaada warqad ayaa ka qoreynnaa” [ Muqaal]

Published: October 27, 2019
Gudoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullahi

Fadhigii xildhibaannada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta u baaqday kooram la’aan, sida uu sheegay gudoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullahi.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in mudanihii maqnaada maanta kaddib, in qoraal ay ka sameyn doonaan. Cabdi Xaashi ayaa hadalkiisii sii raaciyay in ixtiraam badan ay sameeyeen, oo ay wax xun la aheyn in ay yiraahdaan Senator ayaa kullanka ka maqnaa maanta.

“Laakiin hadda kaddib, haddii ay joogto noqoto maqnaanshaha Senatarada, oo aan xil la isa-saarin waa arrin lagama-maar-maan ah in Senatarkii maqnaada warqad laga qoro. Markii hore waxaan ku shaqeyn jirnay mudanaha xilka gartay iyo kana an garan in duu-duub la isugu waddo”.

Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullah

Gudoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullahi, ayaa carabka ku adkeeyay in hal Senator uu shirka u baaqday, kaas oo ka dhinnaa tirada uu kooramka ku furmi lahaa.

Berri, sagaalka subaxnimo ayaa loo ballamay in kulanka dib loo furo.

Kullankan baaqday ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee baaqasho uu ku yimaaday inta uu furmay Kalfadhiga 6-aad ee Xildhibaannada Aqalka Sare.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *