Ciidanka PSF oo fashiliyey qaraxyo lagu aasay Bosaso- SAWIRO

Published: December 18, 2019

Ciidanka amniga Dowlad Puntland ee PSF ayaa ku guuleystay inay fashiliyaan, islamarkaana ka hortagaan qaraxyo lagu xiray bartamaha magaalada Boosaaso.

Qoraal kooban oo ay soo dhigeen bartooda facebooga ayay ku sheegeen in cadowgu dooneyeen inay qaraxyadaas ku waxyeeleeyaan shacabka reer Puntland,gaar ahaan magaaladda Bosaso

Ciidamada Amniga Puntland (PSF) waxay saaka (18 December 2019) ku guulaysteen in ay ka hortagaan oo fashiliyaan qaraxyo iyo miinooyin ay kooxaha cadowga ahi geliyeen gudaha magaalada Bosaso si ay ugu waxyeeleeyaan shacabka reer Puntland ee ku dhaqan magaalada Bosaso.

Labo Habeen ka hor ayay ahayd markii Bambo gacmeed lagu tuuray ciidamo ilaalo ka hayay mid ka mid ah xarumaha ugu muhiimsan ee magaaladda Bosaso.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *