Duqayn xagga cirka ah oo lagu dilay Rag ka tirsan Ururka Alshabaab.

Published: January 4, 2020
sawir hore: Diyaaradaha Maraykanka.

Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay in weerar xagga cirka ah oo ay iska kaashadeen Ciidamada Dawlada iyo Taliska Ciidamada Maraykanka ee Africom in lagu dilay 3 rag ah oo ka tirsan Ururka Alshabaab.

Dawlada Soomaaliya ayaa sheegtay in weerarkaan uu ka dhacay deegaanka Bariire oo qiyaas ahaan Magaalada Muqdisho u jirra 45 Killometer, Sidoo kale dawladu waxay xaqiijisay in dadka shacabka ah aysan waxba kasoo gaarin, waxayna sheegeen in hawlgaladaan ay yihiin kuwa looga hortagayo ururka Alshabaab.

Horseed Media, 2019

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *