DFS oo sheegtay in ay dacwad ka gudbisay maraakiib kusoo xad-gudubtay biyaha Soomaaliya.

Published: January 16, 2020
Wasiir Bidhaan.

Wasiirka Kaluumaysigga iyo Khayraadka badda Soomaaliya Cabdilaahi Bidhaan Warsame ayaa sheegay in Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya ay dacwad ka gudbisay maraakiib si sharci darro ugu soo xad-gudbay biyaha Soomaaliya, Wasiir Bidhaan waxa uu sheegay in maraakiibtaasu ku gooshaan calamo waddamo kale leeyihiin.

“Dhibaatada xun waxaa nagu haya maraakiib calanka wadamada kale sidata oo aan xiriir la lahayn Soomaaliya iyo maamulada, warbixino ayaan ka gudbinaa, qaarkood waa laga saarey badda, qaarna waa la qabtay” ayuu yiri Wasiir Bidhaan.

Ugu danbayn waxa uu sheegay in DFS ay la socoto maraakiibtaas, waxa uu tilmaamey in maraakiibta iyo doonyaha badda Soomaaliya kusoo xadgudbay ay qaarkood ka yimaadeen Wadanka Iiraan oo aan xiriir la lahayn DFS.

Horseed Media, 2019

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *