Qoorqoor Oo Loo Doortay Madaxweynaha Galmudug

Published: February 2, 2020
Shares40

Axmed Cabdi Kaariye oo loo yaqaan Qoorqoor ayaa loo doortay inuu noqdo madaxweynaha cusub ee maamul goboleedka Galmudug.

Qoorqoor ayaa wareegii kowaad ee doorashada madaxtinimada Galmudug oo ka dhacday Magaaladda Dhuusamareeb ee gobolka Galguduud waxaa uu kaga adkaaday 3 musharax oo la tartamayay, isagoo helay 66 Cod.

Hoolka Doorashadu ka dhacayso ayaa waxaa soo Xaadiray 77 Xildhibaan, waxaana ka maqnaa 12 xildhibaan, Musharixiinta ayaa codadka u kala helay sidatan:

  1. Axmed Cabdi Kaariye (Qoor qoor) 66 Cod
  2. C/laahi Axmed Samatar 9 cod
  3. Axmed Shire Maxamed 1 cod
  4. C/raxmaan Aadan Sabriye 1 cod

Doorashada madaxtinimada Galmudug ayaa waxaa diiday inay ka qaybgaleen 4 Musharax, sidoo kale waxaa ka horyimid ururka Ahlu sunnah iyo madaxweyne Axmed Ducaale Xaaf.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *