Hindiya: Afar Nin oo Gabar Kufsaday oo La Daldalay

Published: March 20, 2020

Afar Nin oo lagu helay inay kufsadeen kadibna dileen Gabar ardayad ah magaaladda Delhi ee wadanka Hindiya Sanadkii 2012kii ayaa maanta lagu fuliyay xukun dil ah oo maxkamadi ku xukuntay.

Afartan oo nin oo lagu kala magacaabo Akshay Thakur, Vinay Sharma, Pawan Gupta iyo Mukesh Singh ayaa maanta la daldalay.

Gabadha dhibanaha oo ahayd ardayad barata cilmiga Caafimaadka waxaa kufsaday oo gaarsiiyay dhaawac ay markii dambe u dhimatay lix nin, ragan ayaa mid ka mid ah wuxuu isku dhex dilay xabsiga halka mid kalena uu ahaa 17 Jir laga sii daayay. xabsiga markii uu muddo saddex sanno ah lagu helay xabsiga caruurta madaama da’diisu yarayd xiliga uu faldambiyeedka galayay.

Afarta nin ee maanta la daldalay ayaa ku guuldaraystay rafcaan ay ka qaateen Xukunkooda oo ay ku dalbanayeen in xukunka dilka laga khafiifiyo oo loogu bedelo xabsi daa’in. Maxkamada Sare ee Hindiya ayaa dalabkaas diiday.

Kufsi wadareedka iyo dilka loo gaystay gabadha ayaa dhalisay kacdoon dadweyne oo lagaga dalbanayay dowladda inay wax ka qabato kufsiga iyo dilalka arxandarada ee loo gaysto Haweenka.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *