Shaqaaqo Ka dhacday Garowe oo lagu dilay Askari Ilaalo u ah Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland.

Published: April 20, 2020

israsaasayn ka dhacday caasimadda Garoowe Caawa ayaa waxaa ku dhintay askari ka tirsan ciidamada ilaaliya madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaarsh).

israsaasayntan ayaa dhexmartay ciidamada u xilsaaran Badowga habeenkii Garoowe iyo askari fadhiday meherad cunto oo xiligaas furnayd ayaa sidoo kale waxaa ku dhaawacmay askari kale .

Wararku waxay sheegayaan in shaqaaqadu ay ka dhalatay ka dib markii ciidamada Bandowga Garoowe ay isku dayeen inay xiraan meherada Furnayd oo ay ku sugnaayeen ciidamada Ilaalada madaxweyne ku-xigeenka taasi keentay in rasaas iswaydaarsadaan.

Dowladda Puntland ayaa bandow habeenimo waxay ku soo rogtay inta badan magaalooyinka waaweyn ee Puntland.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *