Afghanistan: Ashraf Ghani iyo Abdallah Abdallah oo ku heshiiyey awood qaybsi

Published: May 18, 2020

Madaxweynaha Afghanistan Ashraf Ghani iyo ninka kula tartamey doorashadii dhacdey bishii Siteembar 2019 Abdallah Abdallah ayaa ku heshiiyey awoodda in ay qaybsadaan, kadib laba bilo is mari waa  ka taagnaa Afqanistan.

Heshiiska qaybinta awoodda ayaa la saxiixay maalintii Axadda ka dib wadahadalo dheer.

Rabshado aad u culus ayaa  dib uga dilaacay Afqanistan kadib doorashadii dalkaas ka dhacdey sanadkii hore, Siyaasiga Abdullah Abdallah ayaa ku eedeeyay Ghani inuu musuq maasuqay doorashadii madaxweynenimada ee bishii Sebtember  2019, waxaana uu diidey in uu oggolaado natiijada.

Hadda, sida ku xusan heshiiska, Abdullah Abdallah ayaa hogaamiya wadahadalada nabada ee Talibaanka – haday sii socon karaan.

Heshiiska ayaa fududeyn kara iskudayada lagu doonayo in geedi socodka nabada lala wadaago Taliban lana joojiyo dagaalka 19 sano ka socday Afghanistan.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *