DFS oo weerar ku qaaday saldhig Al-Shabaab ay ku leeyihiin gobolka Hiiraan

Published: May 26, 2020

Ciidamada dowladda federaalka ayaa weerar ku qaaday fariisin ay maleeshiyada  Al-Shabaab  ku leeyihiin inta u dhexeysa degmooyinka Buula burde iyo Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.

Gaashaanle dhexe Maxamuud Xassan Ibraahim taliyaha guutada 22’aad ee qaybta 27’aad oo oo warbaahinta dowladda la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in weerarka ay ku dileen xubno ka tirsan maleeyshiyada Al-Shabaab, islamarkaana ay bartilmaameedsadeen saldhigyadooda.

Taliyaha ayaa sheegay in 7 xubnood ay weerarka ku dileen, islamarkaana gaadiid iyo hub ay ka carareen maleeshiyada argagixsada ah Al-shabaab.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *