CHINA iyo INDIA oo sheegay inay ka wadahadlayaan Xiisada ka taagan Xadkooda

Published: May 29, 2020

Dowlada India ayaa sheegtay inay diyaar u tahay in la xaliyo xiisada kasoo cusboonaatay xaduuda u dhaxeysa labada dal, sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha Dibada ee India.

Xiisadan oo soo taagneyd tan iyo sanadkii 2017 ayaa sare usii kacday todobaadyadii lasoo dhaafay kadib markii dowlada India bilowday inay xarumo cusub oo militari ka dhisto nawaaxiga xaduuda ay la wadaagaan dalka China.

Labada wadan ayaa isku heysta dhulal badan oo saaran xaduuda labada dal ay wadaagaan oo dhererkeedu yahay 3.500km oo mara dhulka Buuraleyda ah.

Todobaadkii hore ayey ciidamada labada dal gacanta isula tageen iyagoo isu adeegsanaya dhagaxaan kadib markii midba midka kale ku eedeeyey inay dhulkooda kusoo xad gudbeen, waxaase laga cabsi qabaa in xiisadan ay marka danbe ka gudubta dhagaxaan la isku tuuro oo uu gacan ka hadalka gaaro inay hub isu adeegsadaan labadaasi wadan oo heysta hubka nukliyeerka.

Salaasadii ayuu Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump sheegay inuu diyaar u yahay inuu dhex dhexaadiyo labada dal, balse labada wadan ayaa sheegay inay iyagu dhexdooda ka heshiin doonaan oo uu wadahadalkan boos uga banaaneyn Maraykanka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *