Libya: Ruushka oo hub iyo ciidan horleh ku xoojiyay Khalifa Haftar

Published: August 3, 2020

Ciidamo badan oo calooshood-u-shaqeystayaal ah ayaa gaaray dalka Liibiya, ciidamadan ayaa isugu jira kuwa u dhashay Ruushka iyo dalka Siiriya.

Ugu yaraan 9 diyaaradood oo ciidamadan iyo hub sida oo kasoo duulay wadanka Siiriya ayaa gaaray dhulka uu gacanta ku hayo hogaamiyaha Khalifa Hafta oo la dagaalamaya dowlada caalamka aqoonsan yahay ee Liibiya.

Hubkan iyo ciidamadan ayaa markale jabinaya cunaqabateynta hubka ee saaran dalka Liibiya, balse Ruushka ayaan joojin hubka uu ku daabulayo dalka Liibiya, xili ciidamada Haftar ay guuldaro kala kulmeen dagaaladii ugu danbeeyey oo ay la galeen ciidamada dowlada oo iyaguna gacan ka helaya militariga Turkida.

Midowga Yurub ayaa ku hanjabay inay cunaqabateyn kusoo rogi doonaan dhinacyada jabiyey cunaqabateynta hubka ee saaran Liibiya.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *