Madaxweyne Deni Oo La Kulmay Guddiga Doorashooyinka Puntland

Published: August 25, 2020

Madaxweynaha Puntland M Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka qayb galay kulan ay isugu yimaadeen Guddiga Ku-meel-gaarka ah ee Doorashooyinka Puntland kuwaas oo u gogol xaaraysa in  dowlad goboleedkaasi uu ka guuro nidaamka Codaynta golaha wakiilada lana gaaro in dadweynuhu codkooda dhiibtaan.

Madaxweynaha oo warbixin ka dhegaystay Guddiga ayaa bogaadiyey shaqada wanaagsan ee u qabsoontay, waxaana uu ku dhiirigeliyay in ay halkaasi kasii wadaan isagoo tilmaamay iney wax ka bedel ku sameeyaan Taariikh doorasheeda maamulkani ku dhaqmayey labaatankii sano ee lasoo dhafay.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay iney ka go’an tahay hirgelinta nidaamka xisbiyada badan oo uu sheegay inuu  hadda meel wanaagsan marayo , waxa uuna tilmamaay iney Xukuumadiisu ay  Guddiga  garab taagantahay , iyadoo la illaalinayo madax banaanidooda ay xaqa uleeyihiin.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *