Raysalwasaare Rooble oo dhagax dhigay Xarun Wasaarad laga dhisayo Baydhabo

Published: November 24, 2020

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed laftagareen ayaa maanta si wadajir ah u  dhagax-dhigay  Dhismaha Xarunta ay yeelanayso wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta  ee dowladda Goboleedka  Koonfur Galbeed.

Dhismaha Xarunta wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta  ee dowlad Goboleedka  Koonfur Galbeed  ayaa waxaa iska kaashanaya  labada Wasaaradood  ee heer  federal iyo heer dowlad- goboleed, waxa ayna qayb ka tahay qorshaha horumarinta Gobolladda, si loo daadajiyo  shacabkana loogu dhaweeyo adeegyadda dowladda.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *