Qaramada Midoobay oo ka digtay in Xuutiyiinta Yemen lagu daro listiga Kooxaha Argagaxisada

Published: January 14, 2021

Madaxa Gargaarka ee Qaramada Midoobay Mark Lowcock ayaa maanta lagu wadaa in Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay horgeeyo codsi ah in Maraykanka ka noqdo go’aankiisii ahaa in kooxda Xuutiyiinta Yemen loo aqoonsado koox Argagaxiso.

Arrintan ayaa caqabad ku noqon doonta hay’adaha ka hawlgala dalka Yemen gaar ahaan deegaanada ay ka taliyaan kooxda Xuutiyiinta oo ay kamid tahay caasimada Sanca.

Hay’adaha gargaarka ayaa sheegay in go’aankan uu hakin doono gargaarka la geeyo dhulkaasi xili la saadaalinayo in 16 milyan oo shacabka reer Yemen ah ay qarka u saaran yihiin macaluul iyo cunto yari.

Xukuumada wakhtigeeda sii dhamaanayo ee Maraykanka ayaa sheegtay inay kooxda Xuutiyiinta u aqoonsadeen koox Argagaxiso iyagoo ka codsan doona Baarlamaanka Maraykanka inuu arrintan dhawaan ansixiyo, go’aankan ayaa waxaa si weyn usoo dhaweeyey dowlada Sacuudiga oo dagaal adag kula jirta kooxdaasi.

Hanad Askar
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *