Shirkii Afisiyoone oo mar kale dib u bilowday

Published: April 7, 2021

Waxaa maantey dib u bilowdey shirkii u dhexeeyey Dowladda Federaalka Soomaaliya, Gobolka Banaadir iyo Dowlad goboleedyada dalka ka jira, shirka ayaa ka furmey isla Teendhadii Afisyoone ee xayndaaba Xalane. Sida wararku sheegayaan waxaa shirka ku dhan dhamaan 8 Xubnood ee ka qaybgalaysey.

Shrika ayaa laba maalmood hakad ah galey kadib markii Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor codsadey sidaas.

Beesha Caalamka ayaa maalintii shalay soo saartey baaq loo dhan yahay ay ku dalbanayaan in degdeg shirka natiijo dan u ah umadda Soomaaliyeed laga soo saaro.

Wararku waxay sheegayaan in maanta laga heshiinayo ajanadaha shirka weyn kaas oo lagu wado in uu qabsoomo maalinta Sabtida ah ee 10 Abril 2021, si ka hor Ramadaanka shirku u soo xirmo

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *