Xoghaynta Golaha Shacabka oo beeniyey warar xan ah

Published: April 28, 2021

Ilaa maanta waxaa soo baxdey warar aan la aqoon jihada ay ka socdaan kuwaas oo sheegaya in maalinta Sabtida ah Golaha Shacabka ee muddo xileedkoodu dhamaadey ay xasaanadda kala noqon doonaan Raysalwasaare Maxamed Xuseen Rooble, wararkan ayaa ahaa kuwo si weyn ugu dhex faafayey baraha bulshada.

Maamulka Golaha Shacaka ayaa lagu khasbey in ay beeniyaan wararkan xanta ah, taas oo noqoneysa markii u horeysey ee Gole shacab ka hadlaan warar xan ah.

“Waxaa Shacabka Soomaliyeed la wadaagaya in ay been abuur tahay wararka lagu daabacay baraha bulshada oo ah in maalinta Sabtida xil ka qaadis lagu sameynayo ra’isal wasaaraha XFS”.

“Waxan umadda Soomaliyeed uga digayna in ay ka fogaadan wararkaas been-abuurka ah,” ayaa lagu yiri qoral la soo dhigay barta Facebook ee Golaha Shacabka Soomaaliya.

“Ujeedada kulanka wuxuu yahay in maalin Sabtida, 1 May, uu Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu hor imaan doono mudanayaasha Golaha Shacabka’,’ waxaa sidaas sheegay Cabdikarim Xaaji Buux oo ah Xoghayaha Golaha Shacabka BJFS.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *