Qardho: Diiwaangelinta Doorashada Taariikhiga ee Qof iyo Cod oo la daahfuray

Published: May 16, 2021

Magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar ayaa maanta si rasmi ah waxaa looga daahfuray diiwaangelinta Doorashada qof iyo cod ee heer degmo taasoo markii ugu horeysay ay codeynayaan dadweynaha.

Madaxweyne Kuxigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo saaka gaaray magaalada Qardho ayaa daahfuray diiwaangelinta codbixiyayaasha ka qeyb qaadanaya codeynta doorashada Qof iyo Codka ee ka dhacaysa degmooyin ay kamid tahay Qardho.

Guddiga KMG doorashooyinka Puntland oo ka hadlay habka loo maareyn doono codbixinta doorashada ayaa sheegay in dhankooda ay diyaariyeen goobihii loo qorsheeyay in lagu diiwaangeliyo dadweynaha magaalada Qardho waxaana Gudigu sheegay in ay maanta bilaabanayso diiwaangelinta.

Taariikhda markii ugu horeysay 23 sano kadib ayaa Puntland laga qaban doonaa doorashooyin ku dhisan hannaanka dimuqraaddiyadda ee xisbiyada badan waxaana si hordhaca ah looga qaban doonaa sanadkan degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment