Safiirka Switzerland ee Soomaliya oo booqasho ku tegay wasaaradda caafimaadka Puntland

Published: October 27, 2021

Safiirka dalka Switzerland ee Soomaaliya Valentin Zellweger oo ay wehelinayeen Agaasimaha iskaashiga geeska Africa Thomas Oertle iyo lataliyaha maamulka iyo siyaasadda ayaa maanta booqasho ku tegay xarunta dhexe ee Wasaaradda caafimaadka Puntland, waxaana ku soo dhaweeyay Wasiirku xigeenka Wasaaradda Mudane Cabdinaasir Yuusuf Xaaji iyo Agaasimaha guud Dr Cabdirisaaq Xirsi Xasan.

Shir kooban oo ay ku wada qaateen xafiiska Wasiirku xigeenka ayaa looga wada hadlay mashaariicda dhanka caafimaadka ah ee ay ka wadaan deegaannada Puntland.

Waxaa sidoo kale inta uu shirku socday lagu soo qaaday mashariicda caafimaadka ee gobolada Mudug, Sool iyo Sanaag oo gabagabo maraya iyo sidii loo sii wadi lahaa, loona buuxin lahaa gaabka galaya sanadka dhamaadkiisa.

Mas’uuliyiinta ayaa waxay ugu dambeyn kormeer ku mareen qaybaha kala duwan ee Wasaaradda, sida qaybta daawooyinka, qaybta keydka talaalada iyo qaybta Xogta Wasaaradda oo ay soo arkeen.

Shirka ayaa ku soo dhamaaday guul waxaana inta badan la isku afgartay sidii looga wada shaqayn lahaa horumarinta adeeguada caafimaadka ee deegaannada Puntland.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *