Maxkmad ku taala Magaalada Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag ayaa xukun xabsi ah ku riday Afar Askari oo ka tirsan Ciidanka Booliska Somaliland kuwaasoo ku Eedaysnaa falal la xiriira Kufsi ay u geysteen gabar yar.

Maxkamadda ayaa eedeysanayaasha ku xukuntay min Todoba sano oo xarig Ah iyo ganaax magdhaw lacageed.
Raggan la xukumay ayaa bartamihii Sanadkan waxa ay degmada Ceel-afwayn ee Gobolka Sanaag si wadar ugu Kufsadeen Gabar yar oo da’ahaan lagu sheegay in ay jirto 13-sano.
Horseed Media