Puntland oo sheegtay inay ka qeyb galeyso shirka Golaha Wadatashiga Qaran - Horseed Media

Puntland oo sheegtay inay ka qeyb galeyso shirka Golaha Wadatashiga Qaran

Maamulka Puntland ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin ka qayb galka shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee uu hoggaamiyo Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Sidoo kale, Puntland ayaa cadeysay in ay diyaar u tahay qabashada doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka si waafaqsan heshiisyadii Golaha Wadatashiga Qaranka oo uu gundhig u yahay heshiiskii 17 September 2020.