Cunaqabateynta Maraykanka ugu hanjabay Madaxda Soomaalida

Published: January 12, 2022

Dowlada Maraykanka oo ah tan dhaqaalaha ugu badan ku bixisa Xukuumada Soomaaliya ayaa sheegtay inay cunaqabateyn saari doonto madaxda Soomaaliya hadii la hirgelin waayo doorashada bisha soo socota ee Feberaayo.

Ned Price Afhayeenka Arrimaha Dibada ee Maraykanka ayaa sheegay in doorashada la rabay inay dhacdo 1 sano kahor marar badan dib loo dhigay, isla markaana dhankooda diyaar u yihiin inay cunaqabateyn saaraan dhinacyada Soomaaliya hadii la fulin waayo heshiiska ugu danbeeyey ee kasoo baxay Golaha Wadatashiga Qaranka.

Hanjabaada Maraykanka ayaa kusoo beegantay saacado kadib markii uu Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo soo jeediyey khudbad uu ku taageeray go’aankasoo baxay kulamadii maalmahan ka socday Muqdisho.

Maraykanka ayaa horey ugu cadaadiyey madaxda Maamul gobaleedka iyo Federaalka inay isugu yimaadaan shirkii uu horey ugu baaqay Raysalwasaare Maxamed Xuseen Rooble oo todobaadkan lagu soo gabagabeeyey caasimada Soomaaliya.

Shirkaasi ayaa laga soo saaray qodobo lagu saxayo tabashooyinka hada jira isla markaana lagu sheegay in jadwalka cusub ee doorashada lagu soo gaba gabeenayo uu noqodo 25ka bisha soo socota ee Feberaayo.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *