Garowe: Guddoomiyaha Mudug Cabdiladif Sanyare oo ku guuleystay kursiga Hop-199

Published: March 18, 2022

Waxaa saaka oo Jimce ah magaalada Garowe ka bilaabatay doorashada lixda kursi ee ugu danbeeya ee laga soo doorto Puntland ee Golaha Shacabka, Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Gobalka Mudug Cabdiladif Muuse Nuur (Sanyare) ayaa kusoo baxay kursiga Hop-199 oo kamid ahaa labada kursi ee gobalka Mudug oo ay dooda badan ka taagneyd qaabka loo maareeyey, waxaana xiisadaasi horey uga digay qaar kamid ah issimada gobalka Mudug gaar ahaa beesha kursigaasi leh ee Cumar Maxamuud.

Guddoomiye Cabdiladiif oo lagu amaano inuu wax badan ka qabtay intuu hayey xilka Guddoomiyaha gobalka Mudug gaar ahaan la dagaalanka kooxda argagaxisada Al Shabaab ayaa sheegay inuu hada rajeenayo inuu wax badan ka qabto heer federaalka isagoona sheegay inuu u shaqeyn doono dhamaan dadka uu metalo kuwii taageersanaa iyo kuwii kasoo horjeeday intaba.

Cabdiladiif oo horey mar usoo noqday xildhibaan heer Federaal ayaa sheegay inuu xalin doono wixii tabasho ah oo jira gaar ahaan dhanka Issimada beesha uu kasoo jeedo isagoona sheegay inuu rajeenayo 4 sano kadib inuu kamid noqdo dadka xilkan u tartama doorashada cod iyo qof ah.

Waxaa sidoo kale saaka magaalada Garowe lagu doortay Xildhibaan Maxamed Cabdullahi Keyse oo ku guuleystay kursiga Hop-073.

Afarta kursi ee hartay oo doorashadooda hada socoto ayaa la filayaa in lagu dhameystiro maanta gelinka hore sida qorshuhu yahay.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment

  1. Dalkan iyo dadkiisaba luggooyada iyo laqminta ba’an ee lagu hayo Rabbigii lahaa uun baa awooda in uu kasoo gaaro oo ka samatabixiyo.

    Musiibada ugu weyn ee Soomaalida ragaadisay ayaa ah in ay muddo 60 sanadood ah dhaadi kari wayday in nidaamyada dawliga ee qalaad ee teer iyo askumiddii suraabka Soomaaliya looyaqaanno lagu dirqinayay ay yihiin kuwo aan anfaci karin, sababo dhowr ah aawadood.

    Sababta gundhigga ahna waxaa weeye in nidaamyadaas shisheeye aysan bulsho 100% muslim muxaafid ah – Soomaalida sideeda – is-qaban karin.

    In dawlad qaran la taago waxaa kasokeeya in marka hore dalka loosiidhiso nidaam leh dawliil iyo tiirar uu ku dul qotomo, sida aydiyoloojiyad dadka qaranka iskaleh ka tarjumaysa oo dadkaas muqaddasna u ah; hab-nololeed dadkaas dhaxalkiisa salka kuhaya oo sikastana iskugu guntaya iyo dastuur intaas oo dhan qummaati u qeexaya.

    Soomaalidu way leedahay sooyaal suubban oo ay nidaam hayin ah ee iyada ka tarjumaya ka yagleelato oo si wanaagsanna iskugu dhaqdo, haddii ay garashadaas soli lahayd oo xooggana saari lahayd.

    Haddiiba se ay dhacday in nidaam qalaad heeryadiisa la iskuraro, waxaa lagama-maarmaan ah in sida uu yahay la iskugu dhaqo. Nidaamka dimuqraaddigu waa mid asal-ahaantiisa salka kuhaya matalaad degaameed ee aan dadka degaanka wadaaga sina ugu kala abtirinin. Xildhibaannaduna waxay baarlamaanka kumatalaan degaan cayiman iyo dadka kuwada dhaqan.

    Haatan se, Soomaaliya waxa ka socda nidaamka dimuqraaddiga ee lagu andacoonayo xataa ma shabbahayo, sababta oo ah matalaaddu ma aha mid degaan kusaleysan e waxay salka kuhaysaa qabyaalad iyo beeleysi. Doorasho shacabku codeeyayna wax lagu ma dooran.

    Dhibaatooyinka ka dhalan doona ayaa waxaa ugu horreysa in marka baarlamaanka laga codeynayo qabiil ahaan loogu loollami doono oo ismaandhaaf iyo xataa gacan-ka-hadal fara-badanna ka dhici doonaan. Taasuna waxay kadhigantahay in ay Soomaalidu colaaddii kadhexeysay si aan xabbad kulul ahayn iskugu sii farasaari doonto oo uusan jirin nidaam kadhexeeya ee ay isku waafaqsantahay oo wada matalaya.

    Ilaa goorma ayaa beenta iyo khayaalka la iskusii maaweelin doonaa oo jiilasha dambena aayahooda lagaga sii khasaarin doonaa tolow?