Khasaarihi duqeyntii Xuutiyiinta la beegsadeen warshada Shidaalka Sacuudiga

Published: March 26, 2022

Kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa Jimcihii shalay weeraro duqeyn ah la beegsaday magaalooyinka Jeddah iyo Riyadh.

Duqeyntan ayaa isugu jirtay mid ay u adeegsadeen gantaalada ridada dhexe iyo waliba diyaaradaha Drone-ka.

Sacuudiga ayaa sheegay in khasaaro soo gaareen qaar kamid ah xarumaha shidaalka sida warshada ku taal Jeddah oo uu dab qabsaday, balse waxay sheegeen inaysan jirin wax dhimasho ah.

Magaalada Jeddah ayaa lagu wadaa in maalinta berri Axada ah lagu qabto tartanka gawaarida ee Formula 1 (Grand Prix), xafladaasi oo la sheegay in sidii loogu talo galay u dhici doonto oo aan dib loo dhigi doonin.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *