Ruushka oo gacanta ku dhigay dagaalyahano British ah oo u dagaalamayey Ukraine

Published: April 18, 2022

Laba dagaalyahan oo British ah oo ay ciidamada Ruushka ku qabteen dagaalka Ukraine ayaa ka soo muuqday TV-ga qaranka Ruushka maanta oo Isniin ah, waxayna Ruushka sheegeen inay doonayaan in raggan siideyntooda ay ku bedashaan siyaasi taageersan Ruushka oo u xiran maamulka Ukraine.

Muuqaalka ayaa laga sii daayay kanaalka TV-ga dowladda ee Rossiya 24.

Labada nin ayaa waydiistay Ra’iisul wasaaraha Britain, Boris Johnson inuu ka caawiyo sidii lagu siideyn lahaa iyo in uu ka shaqeeyo in dowlada Ukraine soodeyso siyaasiga taageersan Ruushka Viktor Medvedchuk, kaasoo ah hogaamiyaha mucaaridka Ukraine ee taageersan Ruushka oo ay ciidamada Ukraine gacanta ku dhigeen todobaadkii hore kadib markii uu ka baxsaday xabsi guri uu ku jiray.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *