Ruushka oo duqeyn xoogan ka wada Waqooyiga Suuriya

3 December, 2024

Ciidamada cirka Ruushka oo gacan siinaya Xukuumada Suuriya ee Bashar al-asad ayaa duqeyn xoogan ka wada waqooyiga dalkaasi, kadib markii xoogaga mucaaridka ay gacanta ku dhigeen dhul balaaran iyo magaalada labaad ee ugu weyn Xalab (Aleppo).

Duqeynta ugu xoogan ayaa lala beegsaday magaalada Idlib oo ah xarunta gobalka saldhiga u ah xoogaga mucaaridka hubeysan, khasaaraha ugu badan ayuu soo gaaray dadka rayidka ah.

Ciidamada mucaaridka ayaa hada gaaray duleedka magaalada Hama iyagoo doonaya inay uga sii gudbaan magaalada sadexaad ee ugu weyn ee Homs oo ah wadada isku xirta Siiriya iyo Lubnaan.

Dowlada Iran oo taageerta xukuumada Bashar al-asad ayaa wada dadaalo diblumasiyadeed iyagoo wafdi heer sare ah u diray dowlada Turkiga oo ah midda taageerada siisa xoogaga mucaaridka hubeysan ee Suuriya.

Dhinaca kale, Midowga Yurub ayaa Isniintii walaac ka muujiyay xaaladihii ugu dambeeyay ee Suuriya, iyagoo soo saaray baaq xooggan oo ku aaddan xiisadda dagaalka iyo ilaalinta dadka rayidka ah.

War qoraal ah oo uu soo saaray waaxda diblomaasiyadda ee Midowga Yurub, ayuu ururkan ku cambaareeyay duqeymaha cirka ah ee Ruushka uu ku hayo goobaha ay dadku ku badan yihiin, iyagoo ku sifeeyay inay yihiin kuwo xadgudub ku ah xeerarka caalamiga ah ee bini’aadantinimada.

Horseed Media