Dowlada Soomaaliya Oo Ka Hadashay Madaafiicdii Ku Dhacay Xerada Xalane

Published: March 9, 2021

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareyneysaa weerarkii ahaa hoobiyayaasha ee lagu bartilmaameedsaday xarunta shaqaalaha gargaarka bani’aadamnimo Xalane ee Muqdisho.

War qoraal ah oo kasoo baxay wasaaradda warfaafinta dowlada federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay inay baaritaan dhammeystiran ku sameynayaan weerarkan hoobiyayaasha ah.

” Weerarkan hoobiyeyaasha ah ayaa cadeynaya iskudayada taagta daran ee argagixisada oo miciin biday in ay beegsadaan samafaleyaasha u yimid dalka si ay u caawiyaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinacyada gargaarka binu aadantinimo, kaddib markii ay u midoobeen dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed sidii ay dalka uga sifeyn lahaayeen argagaxisadaas.”

Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya

Hoos ka akhriso:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *