Published: October 19, 2023

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah ua qoonsatey maamulka SSC-Khaatumo ee dhawaan looga dhawaaqey Laascaanood. Aqoonsiga ayaa yimid muddo 10 maalmood ah oo hoggaamiyaha SSC-Khaatumo Cabdulqaadir Firdhiye ku sugnaa Muqdisho isaga oo casumaad ka helay dowaladda.

Warsaxaafadeedka ayaa loo dhigay sidan:

WARSAXAAFADEED
Muqdisho, 19 Oktoober 2023
Xukuumadda Federaalku ayadoo gudanaysa mas’uuliyadda iyo waajibaadka ka saaran wadajirka iyo isu-haynta dalka, waxay martiqaadday hoggaamiyaha maamulka ku meel gaarka ah ee SSC- Khaatumo iyo wafdi uu hogaaminayo. Si wada tashi looga yeesho xaaladda degaanka iyo guud ahaan dalka. Doodo iyo falanqayn dheer oo taabanayey xaaladaha siyaadadeed, amni, bani’aadamnimo ka dib, waxaa la isla qaatay:

  1. Xukuumadda Faderaalku waxay mar labaad taageeraysa go’aanadii issimada dhaqanku ay shirweynahoodii Laascaanood ka soo saareen 06/02/2023, Ayadoona soo dhaweynaysa isla markaana la shaqaynaysa maamulka ku meel gaarka ah ee dadka deegaanku ay dhisteen.
  2. Xukuumadda Federaalki waxay mar kasta ku baaqaysaa gacanna ay ka geysanaysaa dadaal kasta oo nabad iyo xasilooni ku soo dabaalaya deegaankaas. Ayadoo wixii khilaaf ah ee jirana lagu xallinayo wadahadal iyo wada-xaajood. Waxayna maamulka SSC Khaatumo ku bogaadineysaa sida ay diyaarka ugu yihiin xabbad joojinta iyo nabad ku wada noolaashaha.
  3. Dowladda federalka Soomaaliya waxay ugu baaqeysaa Somaliland iyo maamulka SSC Khaatumo Xabad joojin iyo inay sii-daayan Maxaabiista ay kala hayaan, Waxayna xukumadda federalka diyaar u tahay inay fududeyso hawlaha arrintaas la xiriira.
  4. Xukuumadda Federaalku ayadoo ka duulaysa mas’uuliyadeeda waxay si degdeg ah uga hawlgalaysaa dib u soo noolaynta iyo tayaynta adeegyada bulshada sida waxbarashada, caafimaadka, biyaha iyo guud ahaan arrimaha bani’aadamnimada.
  5. Xukuumadda Fedaraalku waxay ugu baaqeysaa hey’adaha dawladda, bulshada Soomaaliyeed iyo Beesha caalamka in gargaar bani’aadnimo oo degedeg ah lala gaaro deeganadaas.

DHAMMAAD