© 2023 Horseed Media Group

golis telecom

Farqiga u dhexeeya Xorriyadda iyo Gobonnimada [Maqaal]

Haddii aad sagaaro (Ugaar) qabato oo iska sii dayso, waxaad siisay xorriyad ee gobanimo waa wax kale. Xorriyaddu waa in lagu sii daayo oo faraha lagaa qaado. Laakiin gobannimadu waa sida aad u dhaqanto markii xor lagaa dhigo.

1960kii waa nala xoreeyey, oo Talyaani iyo Ingiriis dhulkeena Soomaaliya waa ka tageen. Talyaaniga iyo Ingiriisku iyagaa dantooda u yimi. Iyagaana dantooda u tegey. Raadkii dagaalkii labaad iyo isbedello adduunka ka jirey ayaa caawiyey gobannimo doonkeenii. Sidaasay waddammo badan uga tageen. Laakiin maxaa ka dambeeyey? Sidee u dhaqannay? Ammaanadii dawladnimo ee la wadaagay sidee yeelnay? Caawa yaa soo celiya wiilashii iyo gabdhihii waagaas noolaa kuna faraxsanaa oo ka maansoonayey xorriyaddii lixdankii. Dareenkii iyo hammigii ku jirey muxuu ahaa, maxaase ka dambeeyey? Dhisme walba oo qurxoon iyo waddo walba sow nalooma dhisin. Warshad walba oo aan ‘lahayn’ sow ma ahayn deeq nala siiyey. Deeqo badan oo nala siiyey sow iyagoo cusub oo aan la intifaacsan meeshoodii kuma burburin ama kuma daxalaysan.

Xildhibaanadeenna miyaan waddammo kale mushaharka siin?. Madaxtooyada waddammo kale sow nooma ilaaliyaan?. Xeryaha qaxootiga ugu waaweyn sow dadkeennu kuma jiraan?. Carruurtii xeryahaas ku dhalatay sow kuma guursan oo carruur uguma dhalan.? Dabaqyada dhaadheer ee aan waddankeenna ka dhisanno wiishka lagu fuulo hadduu xumaado sow Hindi iyo Keenyaan nooma sameeyaan?. Waxaan cunno sow baasto iyo bariis maaha, sow labaduna dibedda kama yimaadaan?. Gaadiidka keenaa hadduu joogsado sow nalooma yaabo?.

Wax naga maqan inaan “Tolla’ayeeeey” ku wada doonno ku qurxooninaa! Laakiin markaan wixii helno wada qaybsigiisa ku foolxuminaa! Waddan aan Soomaali ka talin ku xiniinyo badninaa oo ganacsigiisa deg-deg ula wareegi oginaa, laakiin meel Soomaali (aan qabiilkeena ahayn) xukumo isku miskiimin oginaa! oo inaan gumownay noo muuqan ogaa. Madfac qaaradaha ka goosha oo ‘faan’ la yiraahdo isku garaaci oginaa. Xorriyadda anaa keenay iyo ma keenin ku murmi oginaa.

60 sano ka dib wadammadii nooga dambeeyey gumeysiga in badan ayaa naga nabad, waxbarasho iyo dhaqaale sarreeya. Waan hubaa in Soomaalidu qof-qof marka loo eego qiimahoodu aad u fiican yahay. Laakiin inaan wax wadaagno oo wax wada dhisanno ayaa nagu adag. Haddii taariikhda cashar laga qaato, qofka hadda 70 jirka ah bal ha la weydiiyo maalintuu caqliyeystay 1960kii ilaa hadda siduu jeclaa, iyo sida talada Soomaali noqotay, iyo sida ay wax ku fiicnaayeen. Dhallinyaradu haddaanay ka bixin meertada nolosha ee qabiilka iyo siyaasaddu isku milmeen, gobannimo naga dheer.

Dawladnimada ha la qurxiyo oo eexda iyo musuqmaasuqa ha laga fogeeyo. Madaxweynaha ilaa qofka dawladda ugu hooseeya ha noqdaan adeegayaal ilaaliya sharciga. Hantida guud yaan la damcin. Wixii aan qabsan karno yaan naloo qaban. Wixii naloo qabtana aan baranno sida looga kaaftoomo inaan mar dambe naloo qaban. Deeqda nala siiyo inay ceeb nagu tahay aan dareensanaanno. Dawladdu kalsooni ha abuurto dadkuna kalsooni ha ku qabaan dawladda. Meelahaasaa gobannimo noogu dhaw.

Qore: Dr Cabdulqaadir Cabdi Diiriye