Garowe: Ciidamo Booliis ah oo la geeyey Xarunta Baarlamaanka Puntland

Published: December 2, 2020

Xarunta Baarlamaanka Puntland ee ku taal magaalada Garowe ayaa waxaa la geeyey ciidamo cusub oo booliis ah kadib markii qaar kamid ah Xildhibaanada Puntland codsadeen in la bedalo illaalada xaruntaasi.

Isniintii lasoo dhaafay ayaa buuq ka dhashay Kalfadhigii Baarlamaanka keentay in la hakiyo kulamadii, kadib markii ay isku dhaceen qaar kamid ah Xildhibaanada iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland.

Xildhibaanada cabashada u gudbiyey Madaxweynaha Puntland ayaa ku eedeeyey Guddoomiyaha Baarlamaanka inuu ciidamadiisa iyo kuwa xarunta Baarlamaanka u adeegsaday si gaar ah, waxayna walaac ka muujiyeen amaanka xarunta.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *