Golaha Wasiirada ee magacaaban oo Baarlamaanka la horgeynayo Axadda

Published: August 6, 2022

Golaha wasiirada xukuumadda federaalka Soomaaliya ee uu dhawaan magacaabey raysalwasaare Xamse Cabdi Barre ayaa la horgeynayaa Golaha Shacabka, si loo siiyo codka kalsoonida.

Sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Xoghaynta Baarlaaanka, waxaa la isugu yeeray kulan degdeg ah Xildhibaanadu in ay ka soo qaybgalaan maalinta berri ah ee 7 Agoosto, iyada oo ajandaha u weyn uu yahay kalsooni siinta xukuumadda.

Habraaca kalsooni siinta ayaa noqon doono gacan taag sida Horseed Media fahamsan tahay, waxaana Golaha wasiiradu haystaan kalsooni iy codad ku filan, kadib markii hab beel beel ah ay ula kulmeen Xildhibaanada oo wasiirkasta la yimid Xildhibaanadiisi.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *