Israel oo xasuuq kale ka geysatay Iskuul ay maamusho Qaramada Midoobay

Published: November 18, 2023
Shares4

Xog dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa xasuuq ay xalay Israel ka geysatay iskuulka Al-Fakhura oo ay maamusho hay’ada UNRWA ee Qaramada Midoobay.

Ugu yaraan 60 qof ayaa lagu xasuuqay iskuulka ay ku sugnaayeen kumanaan barakacayaal ah.

Muuqaalada laga soo duubay iskuulka oo ku yaal xerada / xaafada Jabaliya ayaa muujinaya meydadka shacabka iyo caruurta halkaasi lagu xasuuqay.

Iskuulka Al-Fakhura ayaa ah kan ugu weyn Gaza oo ay gacanta ku heyso UNRWA.

Xasuuqan ayaa imaanaya labo maalin kadib markii ay hay’ada UNRWA sheegtay in Israel ay weerar ku tahay xarumahooda.

Duqeyn kale oo ay saaka oo sabti ah Israel la beegsatay xerada Jabaliya ayaa lagu dilay ugu yaraan 32 qof oo shacab ah oo hal qoys kasoo jeeda.

Arrintan ayaa kusoo beegmaysa xili ciidamada Israel ay xoog uga saareen Isbitaalka Al-Shifa dhaawacii iyo shacabkii halkaasi ku sugnaa.

Horseed Media