Kooxda Manchester City oo labo xili ciyaareed laga ganaaxay tartanka UEFA.

Published: February 14, 2020

Xiririka tartanka kubadda cagta kooxaha Yurub ee UEFA ayaa kooxda Manchester City ee dalka Britian ka ganaaxay ka qayb galka cayaaraha Yurub muddo laba sano ah, taasi oo ka dhigan tahay in aanay ka qayb-gali doonin laba xilli ciyaareed Champions League-ga ama Europe League.

Kooxda Manchester City ayaa lagu helay eedeymo ku xadgudubaya qaanuunka Financial Fair Play (FFP) oo ah in kooxdu isku dheellitirto lacagta soo gasha iyo lacagta ka baxda.

Sidoo kale Xiriirka UAFA ayaa kooxda Manchester City ku ganaaxay lacag dhan 30 Million oo dollar. Maamulka Kooxda Man-city ayaan weli ka hadlin go’aanka kasoo baxay xiriirka.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *