![](https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2020/07/Farmaajo-Dhuusamareeb-180720-1-1081x720.jpg)
Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo wafdi kala yimid magaalada Muqdisho ayaa lagu soo dhaweeyey caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb.
![](https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2020/07/Farmaajo-Dhuusamareeb-180720-2-1055x720.jpg)
Soodhaweynta wafdigan waxaa ka qeyb qaatay Raysalwasaare Xasan Cali Khayre oo horey magaalada ugu sugnaa iyo Madaxweynayaasha Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed.
![](https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2020/07/Farmaajo-Dhuusamareeb-180720-3.jpg)
Waxaa iyaguna la sugayaa inay magaalada Dhuusamareeb yimaadaan Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland.
![](https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2020/07/Ahmed-Madoobe-Godinlabe-1080x720.jpg)
Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa saaka ka dhoofay magaalada Garowe isagoo gaaray magaalada Cadaado ee gobalka Galgaduud oo casumaad loogu sameeyey.
![](https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2020/07/Kaah-PL-shirweynaha-1-1080x720.jpg)
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni oo maanta ka qeyb galay shirweynaha urur Siyaasadeedka KAAH oo ka dhacay Garowe ayaa la filayaa inuu dhawaan u baxo Dhuusamareeb oo uu ka furmi doono shirka Dowlada Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah oo si weyn isugu khilaafsan nidaamka Doorashada soo socota ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya.
Horseed Media