Madaxweyne Xasan Sheekh oo guddoomiyey shir looga hadlaayey amniga gobolka Banaadir

Published: April 17, 2024
Shares2

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Guddoomiyey Shirka Amniga Gobolka Benaadir oo looga hadalay dardar galinta tallaaabooyinka loo qaaday xaqiijinta amniga Caasimadda Muqdisho.

Kulankan oo markii ugu horreysay looga yeeray Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Benaadir ka kooan yahay ayaa warbixino ku saabsan xaaladda amniga Caasimadda looga dhageystay mas’uuliyiinta hay’adaha ammaanka, iyaga oo soo bandhigay qorsheyaashooda sugidda amniga dadka, hantida iyo sharafta muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Kulanka waxaa ka qayb galay Ra’iisulwasaaraha XFS Mudane Xamse Cabdi Barre, Wasiirada Amniga iyo Gaashaandhiga, Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka sida, Agaasimaha sirdoonka qaranka, Guddoomiyaha Gobolka Benaadir iyo Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Benaadir.

Duulimaadyadii caalamiga ahaa ee Muqdisho oo maanta baaqdey, kadib digniinta Maraykanka uu soo saareyShirkan ayaa ku soo beegmaya iyada oo todaadbkii hore ay baaqdeen duulimaadyada diyaaradaha caalamiga ah kadib markii Safaaradda Maraykanka ee Kenya ay sheegtey in weeraro agagsixiso ah ka dhici doonaan Muqdisho sida ay xog ku heshay.

Tan iyo markii Maraykanka digniinta soo saarey waxaa Muqdisho isaga baxay inta badan shaqaalaha rayidka ah ee ajaanibta ah.

HORSEED MEDIA