MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO SAXIIXAY NUQULKA DASTUURKA!

Published: March 31, 2024

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saxiixay Nuqulka Rasmiga ah ee Wax-ka beddelka cutubyada 1aad, 2aad, 3aad iyo 4aad ee Dastuurka JFS, oo ay shalay cod Aqlabiyad leh ku ansixiyeen Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, waxaaa sidaas lagu yiri war rasmi ah oo ka soo baxay Villa Somalia

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in dhammeystirka Dastuurku uu saldhig u yahay horumarinta dimuqraadiyadda, sinaanta dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed, adkaynta iyo dhisidda hay’ado dowladeed oo hufan.

Munaasabadda saxiixa Nuqulka Rasmiga ah ee Wax-kabeddelka cutubyada Dastuurka dalka waxaa goobjoog ahaa Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Maalintii Sabtida ayaa Xildhibaanada labada Aqal oo gaaray 254 cod aqlabiyad leh ku meel mariyeen afarta cutub ee u horreysa dastuurka dowladda federaalka Soomaaliyeed.

Kadib, maamulka Puntland oo horey khilaaf ugala dhexeeyey dowladda dhexe ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqdey in ay aqoonsiga kala noqotey dowladda federaalka, sidaas darteedna ay u dhamqeyso sida dowlad madaxbanaan.

HORSEEDMEDIA