Mo Farah Oo Jabiyey Rikoodhkii Orodka Adduunka

Published: September 5, 2020

Orodyahanka Soomaaliyeed ee Mo Farah ayaa jabiyey rikoodhkii orodka adduunka kadib markii uu ku guuleystay  tartanka la yiraahdo Diamond League oo lagu qabtay magaalada Brussels.

Mo Farah oo afar jeer ku guuleystay tartanka orodka Olambikada, ayaa habeenkii jimcaha jabiyey rikoodhkii uu sanadkii 2007 dhigay halyeeyga reer Itoobiya Haile Gebrselassie, kadib markii uu jaray masaafo dhan 21,330 mitir taasoo meesha ka saaraysa rikoodhkii Haile Gebrselassie oo ahaa 21,285 mitir.

“Aad baan ugu faraxsanaa inaan tartannada ku soo noqdo. Waxa ugu weyn ee i dhiirri gelinayey wuxuu ahaa ku soo noqoshada tartanka”.

Mo Farah

Tartankan Diamond League oo ay saacad kaliya ku tartamaan orodyahannadu ayaa lagu qiimeeyaa masaafada ugu dheer ee uu qof ku ordi karo mudo lixdan daqiiqadood ah, waxaana uu Mo Farah sheegay sababta uu ugu soo noqday tartankan inuu yahay diyaar garow uu ugu jiro tartanka 10,000 mitir ee Tokyo kaas oo sannadkan dib loo dhigay.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *