Puntland: Ciyaarihii Gobolada Oo Maanta La Hakiyey

Published: August 7, 2021

Waxaa maanta laga hakiyey ciyaarihii gobolada Puntland, kuwaas oo maalmihii lasoo dhaafay ka socday garoonka kubada cagta Mire Awaare ee caasimada dowlada Puntland.

Kulamada maanta oo laba ahaa ayaa waxaa isku arki lahaa qaybta hore xulalka gobolada Gardafuu iyo Mudug, halka qaybta dambana ciyaari lahaayeen Karkaar iyo Cayn, balse waxaa la hakiyey kadib markii ay cabasho ka timid xulka goboka Cayn, taas oo la xiriirtay kulamo is xig-xigay.

Hase ahaatee kulamada baaqday maanta oo sabti ah ayaa waxay dhici doonaan 11 bishan ogosto oo ku aadan maalin nasasho, dhanka kalena kulamadii berri oo Axad ah loo ballansanaa iyo dhamaan kulamadii kale ee tartanka ayaa sidoodii u sii socon doona.

Sidoo kale xildhibaano ka tirsan Puntland oo laga soo doorto gobolka Cayn oo ka hadlay arrintan ayaa sheegay in cabashada xulka Cayn ay tahay mid jirta, waxayna dhaliil u jeediyeen xiriirka kubadda cagta iyo Wasaaradda ciyaaraha Puntland.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *