Raysal Wasaare Rooble Oo Guddi U Magacaabay Aaska Madaxweynihii Hore Cali Mahdi

Published: March 11, 2021

Raysal Wasaaraha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay guddi ka shaqeeya aaska Qaran ee loo sameynayo Allaha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Marxuum Cali Mahdi Maxamed shalay galab ku geeriyooday dalka Kenya.

Guddigan oo ka kooban 11 xubnood ayaa laga soo xulay xukuumadda , baarlamaanka, bulshada rayidka iyo qoyska marxuumka.

1. Xasan Xundubeey Jimcaale, Guddoomiye

2. Cismaan Abokar Dubbe, Guddoomiye ku-xigeen

3. Cumar Maxamuud Maxamed (Filish), Xubin

4. Janaraal Mukhtaar Xuseen Afrax, Xubin

5. Xasan Xuseen Xaaji, Xubin

6. Eng. Cabdullaahi Abuuakar Xaaji (Carab), Xubin

7. Durraan Axmed Faarax, Xubin

8. Cumar Cali Rooble, Xubin

9. Xil. Cabdullaahi Maxamed Nuur, Xubin

10. Xil. Maxamed Axmed Abtitoon, Xubin

11. Cabdulqaadir Xaaji Xasan (Gureey), Xubin

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *