Real Madrid oo markii 14aad ku guuleysatay koobka horyaalada Yurub ee Champions League

Published: May 29, 2022

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ee ka dhisan heerka 1aad ee horyaalka dalka Spain ayaa markii 14aad ku guuleysatay koobka horyaalada Yurub ee Champions League.

Real Madrid ayaa 1-0 kaga adkaatay kooxda Liverpool ee dalka Ingiriiska, ka dib ciyaar xiiso iyo xamaasabad badan oo ka dhacday Magaalada Paris ee dalka Faransiiska.

Soccer Football – Champions League Final – Liverpool v Real Madrid – Stade de France, Saint-Denis near Paris, France – May 28, 2022 Real Madrid’s Vinicius Junior celebrates scoring their first goal REUTERS/Molly Darlington

Real Madrid ayaa goolka qura ay kaga badisay kooxda Liverpool waxaa daqiiqadii 59aad u xaqiijiyay xidigeeda reer Brazil ee Vinicius Junior.

Goolhayaha dalka Belgium-ka ee u ciyaara kooxda Real Madrid, waa Thibaut Courtois ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah, isagoona Mohamed Salah iyo Sadio Mane u diiday fursad kasta oo ay abuureen inay ku gaaraan shabaqiisa.

Kooxda tababare Jurgen Klopp ayaa inta badan maamuleysay kubadda, hase yeeshee taasi kama caawin inay soo taabtaan shabaqa kooxda tababare Carlo Ancelotti. Natiijada ciyaarta ayaana ku soo idlaatay 1-0 oo guushu ku raacday xidigaha Los Blancos.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *